Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Wasiirada arimaha gudaha Amniga Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa faah faahin kabixiyay howlaha isku dhafka Ciidamada iyo amaanka Magalada Dhuusamareb
Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in amaanka Magalada Dhuusamareeb ay sugayaan Ciidamadii Dhawaan la iskugu dhafay ee Ahlusuna iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa Cadeeyay in Amaanka Magalada Dhuusamareeb uu ahaay mid sugnaay isku dhafka Ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Dowlada ay kor usii qaadeyso amaanka Magalada Dhuusamareb, loona Baahan doonin Ciidamo Shisheeye.



