Dhageyso:-Puntland oo Goob fagaaro ah ku burburisay Khamri laga keenay Itoobiya

Ciidamada Booliska degmada Galdogo ayaa Maanta goob fagaaro ah waxaa ay ku burburiyeen dhalooyin Khamri ah oo ay gacanta ku dhigeen Xilli laga keenay gudaha dalka Itoobiya,waxaana goobta lagu burburinayay ku sugnaa Mas’uuliyiinta degmada iyo taliska Ciidamada Booliska.

Khamrigaan ayaa dhawaanahaan yaallay Saldhiga Dhexe ee Ciidanka Booliska degmada Galdogob,waxaana ugu dambeyn la geeyay goob fagaaro ah,isla markaana lagu burburiyay si aan deegaanada kale ee Magalada loogu iibgeyn.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Galdogob Salaad Cabdi Goombe ayaa sheegay in Khamrigaan ay qabteen 28-kii Bishaan,isla markaana ay kasoo heleen guryo burbursan oo waa hore laga guuray,isla markaana kooxo doonayay inay ka gacsadaan ay halkaasi ku qariyeen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin dad ay ku qabteen Khamrigaas,hayeeshee dadka Shacabka ah ee Magalada galdogob ay kusoo wargeliyeen,waxana uu dadka ka dalbaday inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan dadkii ay ku arkaan Khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya.