Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay gobolka Sanaag oo kordhay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo  laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag,waxaana kordhay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac e ka dhashay dagaalkaas.

inta la xaqiijiyay 9 Ruux ayaa dagaalka ku geeriyootay 12 kale ay ku dhaawacmeeen,kuwaas oo dhamaantood ahaa maleeshiyaadkii dagaalamay,sida ay sheegeen dadka deegaanka dagaalka uu ka dhacay.

Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kusoo  laab laabtay dagaalka dhexmaraya beelaha,waxaana maamulka Soomaaliland ay dhowr jeer isku dayeen inay xal ka gaaraan balse ay u suurtageli weysay joojinta dagaaladaas.