Gabar Soomaaliyeed oo 21 jir ah oo magan-gelyo doon ahayd ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla dalka Australia iyada oo xaaladdeedu ay liidato.
gabadhan ayaa isku gubtay gudaha xarun lagu hayo dadka magan-gelyo doonka ah oo ay Austrlia ku leedahay Jaziiradda Nauru.
Hadaba dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay arinta ku aadan gabadha Soomaaliyeed ee isku gubtay dalka Australia.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Cabdisaalan Hadliye ayaa ka hadlay arinta ku aadan gabdha Soomaaliyeed ee is gubtay,waxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay la socoto.


