Ciidanka booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar argagixiso oo la doonaayey in laga geysto dalka Kenya sida lagu sheegay war saxaafada ka baxay ciidanka booliiska dalka Kenya.
Ciidanka booliiska dalka Kenya war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay ka hor tageen weerar qorshaysan oo Daacish la damacsaneyd in ay ka geysto suuq weyn oo ku yaala dalka Kenya.
Ciidanka ayaa xiray 3-ruux oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda dowladda islaamka ee Daacish.
Magacyada dadka la xiray ayaa lagu sheegay Maxamed cabdi ,Xaaskiisa Nuseyba Maxamed Xaaji iyo iyo gabar lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xaanshi.
Maxamed cabdi ayaa la sheegay in uu ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Daacish,islamarkaana dhaliyaro badan oo u dhashay dalka Kenya in uu fududeeyey in ay ku biiraan kooxda Daacish ,ayna u safraan dalalka Siiriya iyo Libaya.
Dhanka kale dowladda Kenya ayaa lacag dhul dhigtay Dhaqane iyo Axmed oo ka mid ah ragga lagu daba joogo, waxayna kenya Sheegtay in qofki keena macluumaad sahlikara in raggaas la soo qabto la siin doono lacag dhan 2 million Kenyan shillings oo u Dhigmeysa ( $20,000)


