Maamulada Galmudug iyo Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa heshiis waxa ay ka gaareen colaad dhawaan ka dhacday Xadka ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan Deegaanka Dacdheer.
Maamulka Galmudug ayaa so dhaweeyey hishiiska laga gaaray colaadii ka dhacay deegaanka Dacdheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud,islmarkaana kuyaala xadka labada dal.
Madaxweynaha maamulka galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka galmudug ay soo dhaweynaayaan hishiiska ,islamarkaana ay dhaqan galin doonaan.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin maanta in hishiis laga gaaro dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacdheer.
Madaxweynaha Maamulka Jubbland Axmed Midoobe ayaa ugu baaqay labada dhinac ay hirgaliyaan hishiiska ay wada gaareen.


