Van der Vaart: Messi wuxuu kasoo Jeedaa Adduun kale

Ka hor kulanka lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey oo ay la leeyihiin Real Madrid, xiddigii hore ee khadka dhexe ee reer Holland Rafael van der Vaart, ayaa amaanay Lionel Messi, waxaana uu aaminsan yahay in xiddiga reer Argentine uu yahay mid aan la joojin karin.

Lionel Messi ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkaan, waxaana uu haatan hogaaminayaa tartanka kabaha dahabka ee gooldhalinta Yurub.

Ciyaaryahanka reer Argentine ayaa 25 gool udhaliyay kooxdiisa La liga,isagoo caawiyay 13 kale 23 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu Blaugrana ka caawiyay inay hogaanka u sii heyaan LaLiga.

Isagoo la hadlayay El Larguero, Rafael van der Vaart ayaa amaanay tayada Lionel Messi, wuxuuna sidoo kale ku adkeysanayaa inuu leeyahay sifooyinka ka dhigaya mid aan la joojin karin.

Wuxuu ka soo jeedaa adduun kale. “” Waxaan arkayay maalintii uu ka hor yimid Sevilla. Waa wax aan macquul aheyn in la joojiyo isaga, waxaan u maleynayaa inuu wax walba sameyn karo.