Safafka Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal Vs Fulham

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa doonaysa in ay kasoo kabato guuldarradii xanuunka badnayd ee asbuucii lasoo dhaafay kasoo gaartay Liverpool.

Gunners ayaa guul darro 5-1 ah kala kulantay kooxda tababare Jurgen Klopp ee Reds, kulan ay xidigo sare ka ahaayeen Sadio Mane, Mo Salah iyo Roberto Firmino.

Tababare Unai Emery ayaan wax ka baddalay shaxdii uu asbuucii hore uu latagay Anfield, isaga oo garoonka keenay Lacazette iyo Guendouzi.

Tababaraha reer Spain ayaana kursiga kaydka dhigay xidigaha Aaron Ramsey iyo Lucas Torreira, kuwaas oo kusoo bilaawday kulankii Liverpoool.

Hadaba waa tan shaxda rasmiga ah ee Arsenal vs Fulham.

Arsenal XI: Leno, Koscielny, Mustafi, Sokratis, Maitland-Niles, Xhaka, Guendouzi, Kolasinac, Iwobi, Aubameyang, Lacazette.