Xildhibaan golaha Shacabka ka tirsanaa oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan kamid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya.

Sida Risaala wararka ku heleyso Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush) ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha kaga soo booday.

Waxaa uu kamid ahaa xildhibaanka geeriyooday guddiga dastuurka ee golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush) waxaa uu sidoo kale kamid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.