Wararka naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax.
Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Xaafadaha qaar ee Magaalada Beledweyne, waxaana uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Hiiraan sidda ay sheegeen goobjoogayaal.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana la sheegay in Ciidanka gobolka ay xireen inta badan Wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay.



