Wararkii ugu dambeeyay duqeyn ka dhacday gobolka Bari

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan duqeyn ka dhacday degaano ka tirsan gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Miraale oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay geysteen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaana beegsadeen degaankaasi oo la sheegay in ay ku dagaallamayaan Ciidamada Shabaab iyo waliba Daacish.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa sheegay in duqeyn ka dib ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen degaankaasi.