Rael Madrid oo heshiis la gaartay Alisson iyo Liverpool oo Rajo ka qabta saxiixa laacibkan haddii ay dhacdo arrintan!

Goolhayaha kooxda kubadda cagta AS Roma ee Alisson Becker ayaa heshiis lix sano ah la gaaray kooxda Real Madrid oo si aad ah loola xiriiriyay.

Los Blancos ayaa inta ugu badan u muuqata mid kaga guuleysan karta saxiixa laacibkan kooxda Liverpool oo si aad ah loollanka ugu jirta.

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaanan weli wax heshiis ah la gaarin kooxda kubadda cagta Roma, maadaama naadiga reer Italy ay dooneyso inay ku fasaxdo laacibka reer Brazil qiimo lacageed dhan £70m.

Naadiga ku guuleystay Champions League-ga ayaa la diyaar ah keliya £52m taasoo ka dhigan inay aad uga fogtahay halka ay Roma ku iibin karto Alisson.

Jurgen Klopp kooxdiisa ayaa heysata fursad qaali ah oo ay kaga dul qaadi karto Real Madrid 25-jirka goolka qabta, iyadoo beegsan karta qiimaha ay Roma ku dooneyso laacibkeeda.

Liverpool ayaa Alisson ku qiimeysa lacago ka badan £60m, waxaana lagu soo warramayaa inay suuro gal tahay in naadiyada ka kala dhisan England iyo Italy ay isku fahmaan beeca goolhayahan.

Reds ayaa xilligaas u baahnaan karta keliya inay ka dhaadhiciyaan shabaq ilaaliyahan qaabkii ay ugu soo biirin lahaayeen garoonka Anfield ee gobolka Mersyside-ka.