Kenya-RisaalaFM- Ciidanka Boliiska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Hub, Walxaha qarxa iyo qaar ka mid ah Raggii watay oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinne ayaa sheegay inay qalabkani ku soo qabteen howlgallo ballaaran oo ka dhacay Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi iyo degaanka Merti oo ka tirsan Gobolka Isiolo, isagoo sheegay in gaariga waday uu ahaa mid diiwaangashan.
Ciidanka Booliska Kenya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay aaladaha laga sameeyo walxaha qarxa, Shan Qoryaha AK 47 ah, 1,099 Rasaas ah, 36 Qasnadood oo buuxa iyo qalab kale.
Joseph Boinne ayaa xusay in Hubka ay soo qabteen ku jiraan 80-Kg oo ah maadada qaraxda ee TNT loo yaqaano taas oo uu tilmaamay haddii qarax loo adeegsan lahaa ay galaafan lahayd nolosha Boqolaal shacab ah, sidoo kalena ay bur burin laheyd dhismayaal badan.
Ciidamada Boliiska ayaa xabsiga dhigay, Cabdi Majiid Aadan, oo 24 jir ah, iyo Maxamed Nane, kadib markii lala xiriiriyay inay ka dambeeyeen weerarkan fashilmay, waxaanay howl wadeennada ay jiifeen Hoteelka oo ka soo horjeeda Saldhigga Booliska Nairobi, iyaga oo dhawaan raggan u safray degaanka uu howl-galku ka dhacay ee Merti oo ka tirsan Isiolo.



