Janaraal Axmed Maxamed (Tareedisho) oo ah Taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka ay saaka ka sameeyeen degaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan,iyagoo Al shabaab ay kala wareegeen degaankaasi.
Taliyaha oo hoggaaminayay Howlgalkaasi ayaa sheegay inay weerarkaasi guuleystay fuliyeen ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad Guutada 2-aad iyo Guutada 5-aad, isagoo sheegay in hada ay degan tahay xaalada degaanka Moqokori.
“Howlgaladan waxaa fuliyay Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad Guutada 2-aad iyo Guutada 5-aad, degaanka Mokoqorina hada gacanteena ayuu ku jiraa, hada xaalada way fiican tahay wax dhib ah oo ka jira ma jiraan Al shabaab wax ay meesha ku haayaan malaha” ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha guutada 52-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al shabaab ay dhibaato badan ku hayeen Shacabka degan Moqokori, isagoo sheegay in lacago baad ah ay ka qaadi jireen sidoo kalena ay dil iyo dhac u geysan jireen dadka rayidka ah.


