Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Shabaab

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Mareykanka ayaa shaacsiyay Duqeyn Diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn 21-kii bishan in ay la beegsadeen fariisin ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degaan u dhow degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Millitariga Mareykanka ay Duqeyntaasi ku dileen ilaa Afar ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Mareykanka wuxuu sheegay Duqeyntan uu fuliyay inuusan wax khasaare ah ku gaarsiin dadka shacabka ah, balse lagu beegsaday xoogaga Shabaab, wuxuuna tilmaamay in uu kordhinayo Duqeymaha uu ku caawinayo Cidamada xoogga dalka.

“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen Ciidamadeena ayaa waxa ay Duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jamaame, waxayna ku dileen Afar Argagixisada ka tirsanaa, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

19-kii bishan Isniintii ina dhaaftay Mareykanka wuxuu sheegay Duqeyn kale oo ka dhacday degmada Jillib inuu ku dilay Saddex Dagaalame oo ka tirsanaa xoogaga ururka Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay ku fulisaa Duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

Mareykanka ayaa sanadkii tagay 2017-kii Soomaaliya ka fuliyay wax ka badan 30 weerar waxaana ay ka badan tahay weerarradii Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya Sideeddii sano ee uu Madaxweynaha ahaa Brack Obama.