Xaaf iyo Gen. Gorod oo la kulmay Waxgaradka Mudug (SAWIRRO)

Mudug-RisaalaFM- Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay Waxgaradka iyo Culamaa’udiinka ka soo jeeda Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dhameyn lahaa colaadaha ku soo laa laabtay  Gaalkacyo iyo sidii shacabka wada degan Gaalkacyo ay u noqon lahaayeen dad isjecel oo nabadda ka wada shaqeeya.

Madaxweyne Xaaf oo kulanka furay ayaa sheegay dhulalka banaan ee Maleeshiyaadka ay ku diraraan in laga dhisayo guryo, si aanay u imaan dhibaato kale, wuxuu sheegay “hadii Federaalka na kala qeybiyay ma ahan inaan la isla degi karin”.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadeynta Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa socdaal ku maraya degaano ka mid ah Mudug iyo Galgaduud si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabta ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.