Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda ku ciyaareysa magaca Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose.
Kulanka ayaa waxa uu isugu jiray mid dhiira gelin ah iyo dardaaran loo sameynayo Ciyaartooyda ku ciyaareysa magaca Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciyaartooyda looga baahan iney soo bandhigaan Ciyaar wanaag, wuxuuna kula dardaarmay iney gobolka Banaadir guulo usoo hooyaan.
Ciyaartooydan ku ciyaareysa magaca Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ayaa galabta kulankooda ugu horeeya la ciyaaraya dowlad goboleedka Jubbaland ciyaartooy magacooda ku ciyaaraya.
Kulankan ayaa wuxuu yahay mid xiiso badan oo ay u soo daawasho tagi doonaan dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo ka kala imaanaya degmooyinka Gobolka Banaadir.



