DHAGEYSO: Beel Guddoomiye ku Caleema saaratay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta Munaasabad ay ku caleema saarayeen Guddoomiye ay sameysteen ku qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxqa ka soo qayb galay, Ciise wehliye Maalin Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya, Waxgarad, Aqoonyahan, Culumaa’udiin, Ganacsato iyo marti kale.

Aadan Sheekh Nuur oo ka mid ah Odayaashii soo doortay Guddoomiyaha ayaa sharaxaad guud ka bixiyay Guddoomiyaha iyo sida ay ku soo doorteen iyo waxyaabaha horyaala ee looga baahan yahay in uu qabto.

Yuusuf Kulmiye Culusow (Yuusuf King) Guddoomiyaha la caleema saarayay ayaa waxa uu balan qaaday in uu wax badan u qaban doono dadkii u doortay Guddoomiyaha waxuuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan.