DHAGEYSO: Xildhibaano eedeyn u jeediyay Madaxweyne Waare

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in uu jabiyay qodobo dastuuri ah.

Warsaxaafeed ay soo saareen Maanta ayaa waxay ku sheegeen In Madaxweyne Waare uu ku xadgudbay qodobo dastuur ah,islamarkaana uu soo xulay Xukuumad aan tayo laheyn.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayay ugu baaqeen in uu tixgaliyo mooshinka ay waddaan Xildhibaanada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan soo dhisay Xukuumad muran badan dhalisay ka dib markii uu ka tagay Wasaaradda Haweenka.

Xildhibaanada maanta kulmay ayaa dhamaa ku dhawaad 50 Mudane.