50 Soomaali ah oo lagu xiray Masar

Ciidamada booliiska Magaalada Alexandaria,   ayaa xiray Boqolaal ruux oo Tahriibayaal ah,  kuwasoo isku diyaarinayay in ka baxaan magalaadaas ayna badda galaan.

 

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Alexandaria   dadka la soo qabtay kudhawaad 51 ka mid ah ayaa waxa ay yihiin dad Somali ah,  kuwaasi oo rabay inay Tahriibaan, halka kuwa kale la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka , Ethiopia, Sudan  Eretria iyo Syria.

 

Lamaaha ammaanka magaalada Alexandaria ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana la sheegaya in la amray magaaladaas in aysan ka bixin karin dadka doonaya in ay tahriibaan,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka ammaanka oo la hadlay coiropost.

Magaalooyinka waa weyn dalka masar ayaa waxaa ku dhumaalaysanya kumanaan qof oo muhaajiriin ah kuwasoo doonaya in ka baxaan halkaas.

Tiro aan la cayimin Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiga alqaanadi oo kuyaal magaalada Qaahira.