Hadii Zidane iyo kooxdiisa ay iskooro badan soo kordhiyeen marka ay labo jeer isku xigto Champion-ka qaadeen hada rikoor xumo ayaa bilaabatay!
Kooxda Real Madrid waxaa ku dhacday guuldaradii ugu horeesay Champion-ka heerkiisa guruubyada mudo 5-sano kadib.
Real Madrid oo guruubka Champion-ka looga badinaayo waxaa ugu dambeesay October 2012, haatana Tottenham ayaa 3-1 ku xaaqday ayadoo safar ah.
Tottenham waxay soo idleesay 30-kulan oo xariir ah oo aan Real Madrid safar Champion-ka looga badinin heerka Guruubyada.
Dhinaca kale Tottenham waxay noqotay naadiga sedexaad Ingiriis ah oo guuldaro weyn dhabarka u saariso Real Madrid tartamada Yurub.
Fadlan hoos kaga bogo kooxaha Ingiriiska ee guuldarooyinka culus Real Madrid ku dhigeen tartamada Yurub:
4-0 vs. Liverpool (2009)
4-1 vs. Derby (1975)
3-1 vs. Spurs (2017)



