5 Jir Qaba Xanuun Daran Oo Deeq Ka Helay Kooxaha EPL-ka

Wiil shan jir ah oo qaba Kansar aan la dawayn Karin ayaa lagu marti qaaday ciyaartii dhawaan dhex martay Sunderland iyo Chelsea.

Bradley Lowery, oo reer Britain ah ayaa 2013 la xaqiijiyay in uu qabo nooca Kansarka ee loo yaqaanno neuroblastoma.

Wiilka waxaa loo aruuriyay 700,000 oo Gini si loogu soo daweeyo dalka Maraykanka, 200,000 oo Gini oo lacagtaas ka mid ah waxaa ku deeqday kooxda Everton.

Si kastaba ha ahaatee hooyadii ayaa todobaadkii hore sheegtay in Kansarka wiilkeedu uu sii waynaaday lagana yaabo in dawayntu ay u horseedo uun in uu wakhti kale sii noolaado.