Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa waxa uu galabta Barnaamijku yahay mid ay ka tartamayaan ilaa iyo 4 Degmo.
Waxaa galabta jiri doona ilaa iyo 2 Tartan kulanka hore ayaa waxa uu dhexmari doonaa degmooyinka kala ah C/casiis iyo Yaaqshiid halka sidoo kalena kulanka xiga uu dhexmari doono Kaxda iyo Waaberi, maadaama la doonayo in gaba gabada Bisha Ramadaan uu soo idlaado Tartanka.
Degmooyinka Galabta tartamaya oo goor sii horeysay aan khadka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.
Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Shalay waxaa wareega 4 dhamaadka tartankan u soo gudbay degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir.
Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.


