Alle ha u naxariisto waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa wariyihii ugu waqtiga dheer ee ka soo shaqeeya BBC laanta Afka Soomaaliga.
Cabdirizaaq wuxuu ahaa nin fururan oo kaftan badan weligiina cid kama caban. Wuxuu ahaa waayo arag muddo dheer soo shaqeeyay.
1947 ayuu waxbarashada ilaa dugsiga sare ku dhamaystay magaalada Hargeysa. Bishii September 1969 ayuu waxbarasho jaamacadeed ku u yimid magaalada london, isagoo ku qalinjebiyay cilmiga Chemistry.
Cabdirisaaq waxa uu shaqo ka bilaabay laanta Afka Soomaaliga kaddibna waxa uu noqday shaqaalaha rasmiga.
Cabdirsaaq aabihiis waxa uu ahaa nin diinta magac ku leh oo si weyn looga yaqaan magaalada Sheekh.



