Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ee dib u qarxay oo u dhaxeeya Fallaagada iyo ciidamada dowladda dhexe ayaa galay maalintii toddobaad.
TPLF waxay qabsatay magaalada Qobbo oo ay ka baxeen ciidamada Itoobiya kaddib markii dhulka buuraleyda ah oo magaaladaas ku teedsan oo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen.
Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo xalay wareysi siiyay Telefishinka Tigray ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka waxa keenay, macluusha deegaanka Tigray ka jirta iyo wadahadallada nabadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay halka ay ku dambeeyeen.
Getachew wuxuu farriimo kala duwan u diray qowmiyadaha dalka Itoobiya, isaga oo u jeediyay in aysan qeyb ka noqon dagaalka ka socdo waqooyiga dalkaas.
Qowmiyadaha uu farriinta u diray waxaa ku jirta Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan dhallinyarada. Isagoo si gaar ah u magacaabay qabiil ayuu ku taliyay in aysan u ololeyn in Walqayti ay leedahay Amxaarada.`
Wuxuu yiri: “Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan,” ayuu yiri Getachew Reda.
Wuxuu sheegay dadaalka ay ugu jiraan ‘inay aayahooda u halgamaan’ waa sida uu hadalka u dhigaye ‘xabbadda ay ridayaan in aysan kala garaneyn Soomaali, Amxaara, ama cid kale. Ma kala garaneyso xabbadda, qofka wajiga ayay uga dhaceysaa’.



