Howlgal xoogan oo laga sameeyay Xaafadaha Magaalada Cadaado

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada
Booliska Degmada Cadaado iyo Taliska
Nabad Sugida Qeybta Galmudug Gaar
Ahaan Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa laga
Sameeyey Degmada Cadaado ee Gobolka
Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu sugayo Amniga Magaalada Cadaado oo dhawaan marti gelin doonta Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Cadaado oo ay qabaneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug.

Taliye ku xigeenka Booliska Degmada
Cadaado, Taliyeyaasha Nabad sugida
Gaalkacyo, iyo Cadaado ayaana hoggaaminayay howlgalka, iyaga oo  dadweynaha la wadaagay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Magaalada Cadaado.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Golaha degaanka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.