Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada .
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.
Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru Dawlayaasha, kuwaas oo dhamamaantood noqonaya 24, waxaana ay bedelaan Mas’uuliyiintii xilalkaan haayay balse kamid noqday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.



