Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose & Faah faahin laga helayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka Hoosingow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya weerarka ay duleedka degaanka hosingow ka sameeyeen howlgallo wallow aan la sheegin waxyaabaha lagu soo qabtay howlgalladaas.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaannada gobolka jubbada Hoose waxaa ku batay weerarada Al-Shabaab iyo howlgallada kala duwan oo ay sameeynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.