Maxkamadda Ciidamada oo Waaran soo qabasho ah u jartay Saraakiil katirsan Ahlusunna

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa waaran soo qabasho ah u jartay 16 Sarkaal iyo tiro maleeshiyaad ah oo katirsan xoogagga Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo ku sugan degaano katirsan dowlad Goboleedka Halmudug.

Saraakiisha oo horay uga tirsanaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen weerarkii Dhuusamareeb ay kusoo qaadeen xoogagga Ahlusunna, waxaana Nagacyadooda ay kala yihiin.