Dowladda Masar oo camaareysay weerarkii Al-Shabaab ee degaanka Ceelbaraf

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab Talaadadii la soo dhaafay la beegsadeen Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tiro dad ah oo ay ku jiraan ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS-ka, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka taaeera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, iyo sidoo kale qoysaska dhibanayaasha ah ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas

Bayaanka ayaa carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay Ciidamada howlalka Midowga Afriaka ee ATMIS  oo wajahaya dhammaan noocyada weerarada argagixiso.

Masar ayaa sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay dadaalka ay ATMIS ugu jirto sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka.

Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi ee degaanka ceelbaraf ayaa waxaa ku dhintay Askar farabadan oo u dhashay dalkaasi Burundi, iyada oo Al-Shabaab sheegteen inay ku dileen in ka badan 170 Askari.