Ciidamada dowladda oo furay Wadooyin ay go,doomiyeen Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno katirsan Al-Shabaab oo muddo toban sana ah wadooyinkaasi go’doomiyay.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.

May be an image of 4 people and outdoors

May be an image of 7 people and outdoors

May be an image of 5 people and outdoors