Musharrax Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah hoggaanka Sare ee Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha ayaa Kulan Casho ahaa xalay la qaatay qaar kamid ah xildhibaannada beelwaynta Mudullood.
Kulanka ayaa looga wada hadlay marxaladda kalaguurka ah ee uu dalka marayo iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan dhici doonta.
Musharrax Daahir Geelle ayaa sheegay in kulanka uu ahaa kulan mirodhal ah oo isfaham ku soo dhamaaday.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu kualmo kala duwan la qaadanayay Beesha Caalamka, saamileyda Siyaasadeed ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee Arrimaha Bulshada, isaga oo ololihiisa Musharraxnimo kawada Magaalada Muqdisho.



