Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay hub farabadan

Ciidanka gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa gacanta ku dhigey Hub farabadan oo ka kooban 18 korod/Qarqooro oo rasaas ah oo ay kujirto 12,600 mir oo Ak47 ah, lix baasuuke iyo laba (BKM).

Hubkan ayaa  saraakiisha Ciidamada dowlad degaanku sheegwen in uu daba socday hub iyo xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo horay ay uqabteen xoogga ciidanka gaarka ah, kuwaas oo rabay inay weerar uga fuliyaan deegaanka Soomaalida.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu fashiliyey abaabul Ururka Al-Shabaab ay ku doonayeen in ay kaga gudubto Soomaaliya oo ay gudaha Itoobiya ku dhex gasho.

Todobaadkii hore Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qabatay 35 rag ah oo looga shakiyay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaa ee ka dagaalama Soomaaliya.