Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa noqday xiddiga ugu koobabka badan taariikhda kooxda.
Xiddiga reer Brazil ayaa Real Madrid kula guulaystay koobkii 24-aad ee taariikhdiisa markii ay Los Blancos shalay ku guulaystay horyaalka La Liga.
Marcelo ayaa dhaafay Halyeeyga kooxda ee Francisco Gento kaas oo 23 koob kula guulaystay Real Madrid intii u dhexaysay 1953 iyo 1971.
Halkan Hoose Kaga bogo koobabka uu Marcelo kula guulaystay Real Madrid.
6 La Liga titles
2 Copa del Rey
5 Spanish Super Cups
4 Champions League titles
3 UEFA Super Cups
4 Club World Cups