Macalinka kooxsa Manchester United Ralf Rangnick ayaa loo magacaabay tababaraha xulka qaranka Austria waxaase la taliye uu u sii ahaan doonaa Man United.
Kooxdan jahwareer ayay galiyeen bal mushkiladan eega markii hore Ralf waxaa la siiyey heshiis lix bilood ah iyadoo loo sheegay in June wixii ka dambeeya aanu kooxda sii maamuli doonin.
Ralf oo muddadiisii dhamaan ayaa haddana waxaa la magacaabay Erik Ten Hag oo ah tababaraha Ajax isna horey kooxda uguma inaan ee shaqadiisii Ajax ayuu sii watay.
Markii hore sow kama fiicneyn in Michael Carrick la isaga daayo shaqada ku meel gaarka ah oo inta horyaalku dhamaanayo ka dibna tababare rasmi ah la magacaabo.