Waxaa xalay dalka Turkiga loo qaaday dhaawaca Janeraal Maxamed Xaashi oo todobaadkii hore uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax Gaari uu saarnaa lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu oo ehello dhow yihiin ayaa u mahad celiyay Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan Taliyaha CXDS Jeneral Odowaa Yusuf Raage oo kaalin weyn ka geystay in dalka Turkiga loo qaado Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed oo dhaawac culus soo gaaray.
Dhaawaca Janeraal Maxamed Xaashi ayaa waxaa Garoonka Aadan-Cadde kasii sagootiyay Taliye Odowaasaraakiil, Waber Mohamed Weber Ahmed, Wasiir Khalif, Xildhibaan Beenebeene, Wasiir hore Gaagaale iyo Xubno kale, waxaana Afhayeen Macalimoow uu sheegay in tan iyo maalinkii uu Jananku dhaawacmay Taliska ay muujiyeen garab istaag muuqda maadaama uu General Mohamed Hashi ka mid ahaa saraakiisha waayo aragga ah ee waqti dheer ka tirsanaa hoggaanka Ciidanka.
Janeraal Maxamed Xaashi ayaa waxaa lagu daaweyn doonaa Isbitaalka Acibadem oo ka mid ah kuwa ugu sareeya Turkiga, halkaas oo ah halkii lagu daaweeyay markii qarax ismiidaamin ahaa lagu dhaawacay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimuu.



