Waxaa weli teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ka socota doorashada Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha aqalka Sare lagu doortay Senoter Cali Shacbaan Ibraahim
Wareega labaad ee doorashada guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa ku tartamay Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Senoter Cali Shacbaan Ibraahim, kadib markii ay isku mari waayeen wareega 1aad, waxaana codadka ay u kala heleen.
1: Senoter Cali Shacbaan Ibraahim oo guuleystay wuxuu helay 28 Cod
2: Senoter Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa helay codad gaaraya 25
Waxaa halaabay hal Cod
Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka, kaas oo ay kutartamayaan ilaa 7 musharax oo mid kamid ah ay Haweeneey tahay



