Diyaar garow ku aadan dhaarinta xildhibaanada cusub oo bilowday

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa soo dhajiyay boor lagu xardhay dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysan maalinimada Khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 14 April 2022.

Dhaarinta xildhibaanada ayaa ka dhici doonta teendhada Afisooni ee xayndaaba xerada Xalane ee Magaalada Muqdishu.

Wali waxaa ka maqan xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed intooda badan marka laga reebo 3 Xildhibaan.