SAWIRO: Rooble oo wakiillada Beesha Caalamka kala hadlay dhaarinta xildhibaanada cusub

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.

Sidoo kale Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diraar garowga dhaarinta xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.