Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay go’aankii dalka looga eryay Madeira

Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu soo dhoweynayay  go’aanka ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo looga dalbay in uu dalka muddo 48 saac ah uga baxo Danjire Francisco Madeira oo ahaa ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horay u sheegay in ay ka gudbiyeen dacwado kala duwan Danjiraha maadaama uu wada shaqeyn gaar ah uu danaha Farmaajo u fulin jiray.