Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera.
Kulankaan ayaa looga hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ka dib falalkii argagixiso ee shalay oo ah kuwo lagu carqaladeynayo doorashada dalka.
Raiisul wasaare Rooble ayaa Saraakiisha AMISOM kala hadlay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xaqiijinta Ammaanka doorashooyinka.




