Madaxwayne kuxiigeenka Koowaad ee Maamulka Jubbaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirrada, waxaana Shirka lagu gorfeeyey Arrimo kala duwan oo la xiriira xaaladaha dalka Gaar ahaan Doorashooyinka.
Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa shirka ku soo bandhigtay Warbixin la xiriirta Arrimaha Amniga iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Jubbaland.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa sidoo kale shirku intii uu socday soo bandhigtay warbixinta Qorshaha xalka waara iyo tababar loo fidiyey 20 Wasaaradood.
Intii uu shirku socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Iyana soo bandhigtay Warbixinta fulinta amarkii ay dhawaan soo saartay Wasaaraddu ee la xiriiray joojinta bacaha balaastigga ah, iyadoona la adkeeyey in amarkaasi la fuliyo.
Ugu dambayn Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan saamaynta ay bacaha Balaastigga ah ee la mamnuucay ku hayaan deegaanka



