Labo Ruux oo cunto la,aan ugu geeriyootay Xeryaha barakaca ee Dhuusamareeb

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” uu wehliyo Xildhiban Barakaqabe ayaa kormeer kutagay xeryaha dadka barakacayaasha ah ay daganyihiin ee kuyaal Dhuusamareeb kadib markii ay dad ugu geeriyoodeen xeryahaasi cunto la’aan 2 ruux.

Dadka barakacayaasha oo xaaladooda nololeed lawadaagay gudoomiyaha ayaa sheegay inay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah,una baahanyihiin gurmad deg dega oo kaga yimaada maamulka Degmada,hay’adaha samafalka,dadka waxhaysta iyo maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha dadka barakacayaasha ah ee Dhuusamareeb Mohamed Shiiqow oo warbaahinta lahadlay ayaana gudoomiyaha warbixin guud ka siiyay xaalada ay ay wajahayaan barakacayashu.

Xildhibaan Barakaqabe oo kamida golaha baarlamanka Galmudug ayaa oo isna kahadlay kormeerka maanta ay kutageen kaamamka barakacayaasha Dhuusamareeb ayaa codsaday in si dhaqso loogu soo gurmado barakacayaasha oo iskugu jira kuwo kasoo barakacay deegaanada cadowga khawaarijta Alshabaab iyo dad ay saamaysay abaartu oo kasoo haraaday baadiyaha.

Gudoomiye degmada Dhuusamareeb mudane Abdirahman Geedaqorow oo isna barakacayaasha lahadlay ayaa sheegay in maamulku gacan kasii doono ugurmashada dadka barakacayaasha ah waxuuna hay’adaha samafalka,dadka waxhaysta,dowlada federaalka iyo dowlada Galmudug kadalbaday in barakacayaasha Dhuusamareeb si dhaqso ah loogu soo gurmado.