AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine

In this photo provided by the Ukrainian Presidential Press Office, Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy delivers his speech addressing the nation in Kyiv, Ukraine, Friday, Feb. 25, 2022. Russian troops bore down on Ukraine's capital Friday, with explosions and gunfire sounding in the city as the invasion of a democratic country fueled fears of wider war in Europe and triggered new international efforts — including direct sanctions on President Vladimir Putin — to make Moscow stop. (Ukrainian Presidential Press Office via AP)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.5 milyan ay ku barakaceen gudaha Ukraine dagaal dartiis.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa u sheegay Biden dagaalka Ruushka iyo Ukraine in uusan ‘qofna dani ugu jirin’.

Ugu yaraan 816 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.

Duqeymaha Ruushka ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyo Kharkiv iyo Kramatorsk ee bariga, kuwaas oo sababay dhimasho, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Gantaallo ayaa burburiyay warshad dayaaradaha lagu dayactiro oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, duqa magaalada Andriy Sadovy ayaa sidaas yidhi.

Ciidamada Ruushka iyo xulafada gooni u goosadka ayaa ku dagaalamaya bartamaha Mariupol “ka soo horjeeda wadaniyiinta”, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Maamulaha warbaahinta UK ayaa kala noqday shatiga kanaalka Ruushka ee RT, isaga oo tixraacaya xiriirinta Kremlin.