Mareykanka oo taageeray baaritaanka dambiyo ka dhacay Ukraine

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa taageertay, baaqyada ka imanaya hoggaamiyeyaasha adduunka ee ku aaddan baaritaan dambiyo dagaal oo caalami ah oo lagu sameeyo galitaanka Ruush-ka ee Ukraine.

Mareykanka ayaa sidoo kale taageeray baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha weerarro ka dhan ah dad rayid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo dumar uur leh oo ku sugnaa isbitaal dhalmada ah.

Ruushka ayaa weli waxaa uu dagaal culus ka wadaa Gudaha dalka Ukraine, waxaana arrintaasi aad u dhaleeceeyay dalalka Midowga Yurub.