Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Ukraine iyo Ruushka oo magaalooyin hareereeyay

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa weli ku jirta gacanta Ukraine inkastoo duqeymo culus ay dhaceen,  kormeerayaasha reer galbeedka waxa ay tilmaamayaan  boqollaal baabuur oo uu ruushka soo dhoobay meel ka baxsan magaalada.

Magaalada Sumy ee ku taal waqooyi bari Ukraine waxaa hadda ku hareeraysan ciidamada Ruushka laakiin kumannaan kun ayaa u suurtagashay in ay ka baxaan marin bini’aadantinimo.

Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale gacanta ku haya magaalada Chernihiv ee ku taal waqooyiga dalkaasi, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen khasaarooyin badan oo soo gaaray dad rayid ah, waxayna u muuqataa in la hareereeyay.

Kharkiv ayaa weli ku jirta gacanta Yukreeniyaan inkastoo duqeymaha Ruushka uu sii kordhayo, waxaana ay u badan tahay in magaalada ay hadda ku hareereysan tahay.