Dal horleh oo aqbalay in uu qaabilo Somalida ka carareysa Colaada Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay dhiggiisa Seerbiya, Mudane Nikola Selaković.

Wasiir Cabdisaciid ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Ukraine, lana hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Seerbiya, Mudane Nikola Selaković, oo ballanqaaday soo dhowaynta ardayda Soomaaliyeed si waxbarashadooda uga sii wataan dalka Seerbiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa xusay inay isku fahmeen isaga iyo dhiggiisa Seerbiya horumarinta xiriirka laba geesoodka ee muddada dheer jiray iyo in si dhow looga wada shaqeeyo howlaha dano wadaagga, isaga oo uga mahadceliyay Mudane Nikola Selaković taageeradiisa iyo iskaashigiisa.

Horay ayaa dalal dhowr ah oo kuyaalla  qaarada Yurub waxaa ay usoo dhaweeyeen Arday Soomaaliyeed oo aad u farabadan, kuwaas oo ka cararay Colaada dalka Ukraine.