Amaro laga soo saaray Amniga Magaalada Gaalkacyo xilli doorasho lagu qabanayo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha shacabka ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida & Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada, waxaana diirada lagu saaray xoojinta & adkeynta Amniga inta ay socdaan doorashooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo kulanka markii uu soo geba-gaboobay kadib Warbaahinta la hadlay ayaa Akhriyay Amarada dhanka Amniga ah ee shirkaasi kasoo baxay.

1: In cid aan aheyn laamaha Amniga ka Shaqeynaya aysan hub ku dhex qaadan karin Magaalada Gaalkacyo talaabana laga qaadayo.

2: In la mamnuucay Gaadiidka ay ku xiran yihiin Muraayaha Madow ee (Bensalka) iyo in Gaadiid la dhigo Hareeraha waddooyinka.

3: In Milkiilayaasha Hoteelada ay soo diiwaangeliyaan dadka Jiifa Hoteelka si loo sugo Amniga degaanka.

4: In ay iska soo diiwaangeliyaan Musharrixiinta Golaha Shacabka iyo Ergada Saldhigyada Booliska & Nabadsugida Gaalkacyo sidoo kalena ay diiwaangeliyaan halka ay dagayaan.

5: In Gawaarida Xamuulka qaada ee soo gala Gaalkacyo ay tagaan Goobo laamaha amniga ay u cayimeen balse meel kasta aysan tegi karin.

6: In laga bilaabo 6: 00 Maqrimo wixii ka dambeeya aan wax Gaadiid ah soo geli karin Magaalada Gaalkacyo.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka & laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli 5-ta Bishaan Magaalada Gaalkacyo lagu qabanayo doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.