Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka sameeyay diiwaangelinta musharrixiinta lix kursi, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo.
Maalinta berito ah ayay ku tartami doonaan doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baydhabo musharrixiinta Maanta la diiwaangeliyay, kuwaas oo kala ah.
1: Axmed Nuur Sheekh Maxamed Lohos iyo Maxamed Ibraahim Aadan oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-050, iyada oo kursigaan uu horay ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif.
2: Musharrax Xildhibaan Cabdisitaar Cali Xasan oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-275, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan.
3: Musharrax Xildhibaan Muqtaar Maxamed Guuleed & Xuseen Cali Aadan ayaa loo diiwaangeliyay u tartamida Kursiga Hop#183 oo uu horay ugu fadhiyay Sandheere Maxamed Iftin.
4: Guddiga ayaa sidoo kale u diiwaangeliya Kursiga Hop#230 musharrixiinta kala ah Cabdi Cali Cumar iyo Jaamac Taqal Cabaas, waxaana kursigaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Pro, Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI).
5: Kursiga 5aad ee Hop#253 ayaa waxaa loo diiwaangeliyay Aadan Maxamed Cali iyo Cabduqaadir Ibraahim Bulle, waxana kursigaan horay ugu fadhisay Samra Ibraahim Cumar.
Kursiga 6aad ee Hop#18 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa waxaa loo diiwaangeliyay inay ku tartamaan Cabdullaahi Maxamed Cali & Bille Xasan Cabdi.
Guud ahaan Diiwaangelinta mushariixiinta lixda kursi oo ay ku tartami doonaan 12 Musharrax ayaa la soo geba-gabeeyay, waxaana Magaalada Baydhabo Maalinta berito ah ka qabsoomaya doorashada lixda kursi.



