Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Addis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya kuan kula qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye.
labada mas’uul ayaa waxay ka wadahadleen muhiimada doorashada Soomaaliya, xaaladda kala guurka ee AMISOM iyo xoojinta iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in doorashooyinka Soomaaliya lagu soo geb-gabeeyo waqtigii oo asteeyay, sid kalena la xoojiyo iskaashiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Wakiilada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa isha u haaya Arrimaha Soomaaliya waqtigaan kala guurka ah, iyaga oo Madaxda Soomaalida ku cadaadinaya in dorashooyinka waqtigooda lagu dhameeyo.



